Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa lagu waramayaa in lagu dhaawacay howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen 11kii bishan deegaanka Shaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida laga xogta warbaahinta ku hadashay afka ciidamada xoogga dalka.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Cali Dheere loo qaaday isaga oo dhaawac ah deegaanno hoostaga degmada Kuntu-waarey ee ay maamulaan Al-shabaab.
Marka laga soo tago sheegashada dowladda ma jiraan warar kale oo madax-bannaan oo ka hadlaya dhaawaca afhayeenka Al-shabaab oo sidan oo kale marar badan oo hore la sheegay in lagu dhaawacay howlgal.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay Ciidul Adxaa, waxaana warbaahinta Al-Shabaab laga sii daayay farriin maqal aheyd oo laga soo duubay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]