4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Is qabqabsi ka dhashay diyaarad Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd magaalada Kismaayo

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is hortaag subaxnimadii hore ee saakay lagu sameeyay diyaarad madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Amar ka soo baxay  Hey’adda Duulista Hawada  ayaa lagu war-geliyay diyaaradaha aadaya Kismaayo inay is diiwaan  geliyaan ayna fasax soo weydiisato Hey’adda 24 saac ka hor.

Balse waxaa la sheegay in diyaaradan uu raaci lahaa Shariif Sheekh Axmed oo aheyd diyaarad rayid leyska hortaagay in ay ka duusho Garoonka iyadoo waday rakaab ku sii jeeday magaalada Kismaayo,

Lama oga in sababtu aheyd in shirkadda Diyaaradu soo buuxin weyday sharuuda hay'addaha Duulista Hawadda iyo in si gaar ah is hortaaga loogu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed,

Hasse ahaatee dhinaca kale fariin ka timid maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in lagu war-galiyay shirkadda diyaaradan maamusha in aysan ka soo deggi karin magaalada Kismaayo haddii aysan soo qaadin Shariif Sheekh Axmed oo ka baaqday maanta safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu amartay dhamanba duulimaadyada tagaya magaalada Kismaayo in ay marka soo maraan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo, waxaa xusid mudan in isla maanta qoraal ka soo baxay hay'adda Duulista hawadda lagu war-galiyay dhamaanba shirkaddaha duulimaadyada tagan Kismaayo isa soo diiwaan-galiyaan 24saac ka hor. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]