4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama oo xabsiga loo taxaabay

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama.

Saddexdan xildhibaan ayaa kala ahaa Xildhibaan Maxamed Muxumed Dheereyste oo hore maayar ku xigeen uga noqday degmada Boorama, Xildhibaan Mustafe Xayte iyo xildhibaan Indho Sheel.

Xukuumaddu illaa hadda lama sheegin sababta loo xidhay iyo wuxuu daaran yahay xadhigoodda, haseyeeshee waxay warar hoose xusayaan in lagu haysto inay wadeen dhaqdhaqaaqyo ka soo horjeedda xukuumadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.