4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Shir xeerilaalinta Soomaaliya maanta uga furmaya magaalada Baydhabo

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo kulan u dhaxeeya xeerilaalinta Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalaya Xeer ilaaliyaasha dowlad  Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Hirshabeelle,Puntland, Galmudug iyo  Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona muddo Seddax maalmood.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalaya oo daah furi doona  Guddomiyaha  Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee  qaranka Dr.Axmed Cali Daahir.

Shirkan oo ah mid sandle ah ayaa looga hadli doonaa Ilaalinta Shaciyada iyi Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee  Xeer-ilaalinta iyo sidii ay wadashaqeyn u leeyan lahaayeen Xafiisyada  Xeer Ilaaliyeyaasha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]