4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Guddoonka Golaha Shacabka iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo kulmay

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Golahaha Shacabka  Cabdi wali ibraahim Sheekh  Muuddey ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Golaha  Shacabka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa  Hargeysa ayaa ahaa mid isxog-wareeysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha  maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle oo maalmahaan ku  sugnaa magaalada Muqdisho.

Labadda Madaxweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmaayeen madaxda dowladda  dhexe ee Soomaaliya maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]