4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Al-shabaab iyo xoolo dhaqato ku dagaalamay degmada Xudur

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogag  ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab bilaabeen in ay dadka xoola dhaqatada ah ka qaadaan Xoolo Al-shabaab ay ku sheegeen Zako taasoo ay diideen dadka xoola dhaqatada ah in ay dhiibaan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool,waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen 4 ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Mid ka mid dadka deegaanka oo dagaalka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay garab ka heleen, islamarkaana ay iska difaaceen  Al-Shabaab oo doonayay inay Xoolo kale ka kaxeystaan.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsanayaan dad gaar ah, kadib markii ay soo baxeen dad is abaabulay oo la magac baxay Cali Qaran ay bilaabeen inay la-dagaalamaan.

Si kastaba dagaalkaan Al-Shabaab iyo dad xoolo Dhaqato ah ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada xudur ee Gobolka Bakool ayaan weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]