4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Qarax ka dhacay waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Gaari ayaa ku qarxay waddada hal-bowlaha ah ee  Maka Al-mukarama, xilli ay halkaa ka socotay xaflad daahfur xarun cusub oo ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaari uu u muuqday mid lagu soo xiray gaariga,iyada oo halka uu ka dhacay ee isgoyska Xaaji Baasto ay gaareen gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa. Sidoo kale cid ma sheegan mas’uuliyadiisa.

Waddada uu qaraxa ka dhacay ee Maka Al-mukarama goobaha ugu mashqulka badan ee caasimadda Muqdisho. Balse qaraxaan ayaa ku soo aaddaya xilli guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu ballanqaaday in maamulkiisa uu muhiimadda koowaad siinayo ammaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]