4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Injineer Turkish ah oo Qarax lala eegtay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley.

Wararku waxaa ay sheegaya in qaraxan uu ku dhawaacmay  injineerka Turkiga ah iyo labo ka mid ah ilaaladiisa, kaddib markii uu haleelay gaari ay la socdeen

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay qeybaha dhismaha gaar ahaan meel ku dhow xarunta maamulka Garasbaaleym waxaana markii danbe uu qaraxani sababay in uu hakad ku yimaado howlihii dhismaha wadadan oo dayactir xoog  leh lagu sameynayo.

Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ma jirto cid wali sheegatay mas'uuliyada qaraxan lala eegtay shaqaalaha ka shaqeynayay dhismaha wadada gaar ahaan Injineerka u dhashay dalka Turkiga. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]