4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
Amb. Mohamed Affey oo Garowe uga qeyb galay dood ku saabsan xalka qaxootiga Soomaaliya


Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Wefti ka socda Hey'adda Qaxoontiga Adduunka oo uu hogaaminayo Amb. Mohamed Affey, ayaa Garowe uga qeyb galaya dood ku saabsan helitaanka xalka waara ee arrimaha qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay iyo kuwa soo laabanaya ee Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Amb. Mohamed Affey oo ah wakiilka hay'adda qaxootiga aduunka ee Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay dadka reer Puntland iyo maamulkooduba martigelinta in ka badan saddex boqol oo kun oo qof oo ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya.

Mohamed Affey ayaa sheegay Qaramada Midoobay inay wado dadaalo lagu taageerayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

Masuuliyiin katrsan Puntland iyo aqoonyahano ayaa ka qeyb galaya doodaan oo haatan su'aalo lagu weydiinayo wakiilka, waxaana doodaan marti galiysay xarunta nabada iyo cilmi baarista ee PDRC.

Degaanada Puntland ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin dad gudaha Soomaaliya ku barakacay, kuwaas oo intooda badan ka yimid gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyeed.

Puntland iyo hay'adda UNCHR oo iskaashanaya ayaa haatan wada qorshayaal ku aadan sidii dadkaas soo barakacay looga saari lahaa marxalada ay ku sugan yihiin, looguna helo xalka waara.

Hiiraan Online