Maxey isku afgarteen madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah faahin ka bixiyay qoddobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay maanta la kulmeen.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay qoddobadii laga wada hadley ee leysku afgartay oo uu ku sheegay :-
1- Doorashooyinka;
Wuxuu sheegay in kulanka leysku afgartay in doorashooyinka ay ku dhacaan
xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka
qeybqaataan,kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici
lahaayeen doorashooyinka.
2 –Khilaafka Dowlad Goboleedyada;
Arrinta Khilaafaadka waxaa leysku afgartay xalinta khilaafka u dhexeeya
dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la
carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka
ka jira dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.
3-Dhowrista Dastuurka dalka;
Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.
4- Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda.
Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla
oggolaadeen in aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana
aysan siyaasada ku milmin oo ay ciidamada iyo hayadaha amnigana ka
madax banaanaadaan siyaasada dalka.
5- Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir.
Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka Banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali ka yahay ayuu sheegay.
6- La Dagaalanka Al-Shabaab
Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka
Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu raali-galin ka bixiyay xayiraadihii is daba jooga ahaa ee ka dhacay safaradii ay madaxweynayaashii hore ku tagi lahaayeen magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.
Laakiin dhinaca kale marka la eego wali dowladda Soomaaliya war kama aysan soo saarin kulanka maanta ka dhacay madaxtooyada ee dhaxmaray hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo madaxtooyada Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]