4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Almaas Elman oo lagu dilay gudaha xerada Xalane

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw lagu dilay Gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almas Elman oo ay walaalo yihiin gabadha u sharaxan biladda Nobel  Elwad Elman

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida uu dilkeeda u dhcay, hasse ahaatee waxaa la ogyahay ilaa iyo hadda in ay ku dhacday xabad ugu soo gashay gaari ay la soctay, islamarkaana ay u geeriyootay dhaawac soo gaaray.

Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa ah goob ammaankeeda aad u adag yahay,isla markaana ay ku yaallaan safaarado sidoo kalena ay degan yihiin Ajaanib farabadan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay'adda Amaanka oo la xiriira dilka Almas Elman oo mar soo noqotay xoghayaha joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]