4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Tifaftirihii Telefishanka HCTV oo maanta xabsiga loo taxaabay

 

Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xayirtay telefishanka HCTV ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxa xabsiga loo taxaabay tifaftirihii Telefiishanka Cabdiqaadir Saleebaan Caseyr ( Codey), waxaanay wararku sheegayaan in laba arrimood lagu kala haysto, dacwad waxa usoo gudbiyey maareeyaha madaarka Hargeysa Maxamed Rodol iyo xayiraadan oo uu qorey wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, inkastoo aan la sheegin waxa lagu haysto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.