4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Beledweyne ''Hay'adda HARO oo deeq isugu jirta Raashin iyo Lacag u qeybisay dad gaaraya 2200 oo qoys


Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Gargaarkan oo noqonaya kii ugu badnaa oo maalmahan la gaarsiiyo dadkii ka barakacay Fatahaadda magaalada Beledweyne ayeey hay'adda HARO 2200 qoysas gaarsiisay deeq laccageed oo isugu jirta Raashin iyo Lacag.

Marka laga soo tago daafaha magaalada gaar ahaan deegaanka Ceeljaale oo gargaarka ugu badan la gaarsiiyo sidoo kale hay'adda ayaa deeq  Raashin u qeybisay Tuulooyinka ka fog magaalada oo ay saameynta ku yeelatay Fatahaadda gaar ahaan deegaannada Kabxanley iyo Jeereey. 

Mas'uuliyiinta hay'adda oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka laga soo tago gargaarkan ay dadka gaarsiiyeen sidoo kale wajiga labaadee  gurmadka ka dhigayaan wax ka qabashada Fatahaadda Wabiga oo ku sameeyo magaalada iyaga oo la kaashanaya Injineerro iyo Khubarro arrimahan ku xeel dheer oo qaarkood hadddaba sugan magaalada Beledweyne.

Inkastoo dadka ay hadda bilaabeen intooda badan in ay soo guryo noqdaan ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira qoysas wali ku sii harsan deegaannada loo barakacay, kuwaa oo guryihii ay degenaayeen ay la taggeen dadaadka ka soo rogmaday Wabiga, islamarkaana ay ku adkaan doonto in ay dhawaantan loo laabtaan.

Sidaa daraadeed hay'addu waxaa ay sheegtay in dadkan wali ku sii harsan deegaannada loo barakacay  ka caawin doonto in ay kala shaqeeyaan nadaafadda deegaanka iyaga oo ka hergalin doona goobaha loo barakacay musqulo ay dadku isticmaalaan si looga fogaado cudurro ka dilaaca deegaanka.

Maalmihii ugu danbeeyayba guud ahaan marka la eego magaalada Beledweyne iyo deegaannada loo barakacay waxaa si  isdaba joog ah u soconaya gurmadka la gaarsiiyo dadka ay Fatahaadu saameysay, iyadoo gargaarka ugu badanna ay ku deeqeen dad Soomaaliyeed oo iskood isku xilqaamay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]