UN Monitoring Group oo war kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Hormuud
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Kooxda UN Monitoring Group ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ku saabsan Soomaaliya, iyadoo ay kooxdu warbixinteeda kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya.
UN Monitoring Group ayaa si faahfaahsan kaga hadashay weerarradii loo
geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo
weeraro uga yimid Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM.
Qoraalka ka soo baxay Kooxda UN Monitoring Group
Bartilmaameedka laga dhiganayo Shaqaalaha & Xarumaha Shirkadda. Guddi khubaro ah ayaa helay warbixinno ku aadan weerarrada ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya.
Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Goboka Gedo, Waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah.
Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen in ay si madax banaan u
ogaadaan in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay weliba
ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo lagu shaqeynayo Mandate-ka
u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo rayid ah.
Sidoo kale guddiga waxay heleen sawirro caddeymo ah oo muujinayaan
bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay,
waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka
caalamiga ah ee lasoo saaray 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo
adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalla ma dhigayo in
bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka
oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray 2-dii
Maarso 2019. 24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah
duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qof qaraabadiisa ha
xarunta Xiiso-Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo ka tirsan gobolka
Gedo.
15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u
burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Bulaay oo katirsan
degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay jir dileen
waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay. 27-kii
Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay si ku talo gal ah u burburiyeen xarun
Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws–Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq,
Gobolka Gedo.
Burburinta ay ciidamada Kenya u geysanayaan isgaarsiinta Hormuud
waxaa ka dhashay xaalad Bini’aadanimo, mid dhaqaale iyo mid
hantiyadeedba. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato
ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad
Bini’aadinimo looga fuliyo gudaha Soomaaliya xilli walbo. Sidoo kale
waxaa istaagay shaqadii xawaaladaha & lacagihii la isigu diri jiray
Mobile-lada oo dadka shacabka ah isticmaali jireen, arrintaas oo
sababtay in dhibaato xooggan ay soo gaarto dadka deegaanka tan iyo
markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku
qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]