4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Al-shabaab oo weerar ku qaaday gaari ay la socdeen ciidamada dowladda oo marayay deegaanka Calamada

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Wararka Goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in xooggag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen ciidamada dowladda oo marayay deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Ilaa haatan khasaaruhu ma cadda, waxaana goobta la sheegay in uu ka dhacay iska horimaad kadib markii ay ciidamada rasaas ku jawaabeen.

Dhinaca kale ilaa iyo hadda waxba war ah kama soo bixin laamaha Amniga oo ka hadlayay khasaaraha ka dhashay weerarkan la sheegay  in uu ka dhacay deegaanka Calamada gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]