4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Gudoomiye Cirro oo ku baaqay taageerayaashiisa inay iskugu yimaadaan maalinta Barri xarunta xisbiga WADDANI

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta Barri iskugu yimaadaan xafiiskiisa ku yaala magaalada Hargeysa si fariimo loogu sheego. 

Gudoomiye Cirro ayaa taageeraashiisa gobolka Maroodi jeex ku koobay isku soo bax ay ku muujinayaan sida uga xun yahay nidaamka loo soo xulay xubno ka mid ah guddida doorashooyinka Somaliland.

“taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi jeex in barri sideeda subaxnimo iskugu yimaadan xarunta xisbiga si loogu sheego fariimo muhiim ah oo qarankan lagu badbaadinayo”ayuu yidhi Cirro oo iskugu yeedhay taageerayaashiisii.

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in eedeenta uu madaxweynuhu xisbiga WADANI ku riixayo Soomaaliya uga jeedo kala qabinta bulshada, isagoo horana danno siyaasi ugu gaadhay, haseyeeshee waxay uga digeen isticmaalka kalmadaha kala qaybinaya bulshadda oo halis galin karta qaranka.

“Muuse, madaxda xisbigiisa Kulmiye iyo xukuumaddiisuba waxay caadaysteen kuna soo celceliyaan in uu xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisuba gacan saar la leeyihiin Soomaaliweyn, waxaan umadda u sheegaya in Muuse iyo gacan yareyaashiisu u adeegsadaan ku celcelinta arrintaa kala qaybinta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland ee ay ahayd in ay mideeyaan.”ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaas ku daray “Waxaan cambaaraynayna si aan madmadow ku jirin dhaqanka noocaas ah ee uu ku dhaqmayo madaxweyne Qaran oo ay ahayd in uu umaddiisa mideeyo waxaanu uga digayna haddii uu hore ugu macaashay uguna dano siyaasi ah oo kooban ha ogaado maanta in ay sababi doonto kala dirka umadda iyo burburka Qarannimada ay soo dhisteen,”

Sidoo kale, waxa uu gudoomiye Cirro sheegay in xeerka lagu aasaasay guddida doorashooyinka aanu saxeexin ee uu waagaasi sameeyeen golihii kahoreeyey oo uu madaxweyne Cigaal saxeexay, waxaanu yidhi " Xeerka doorashooyinka ee xeer lanbar 20 waxaa saxeexay madaxweyne Cigaal 2001 masaxeexin Cabdiraxmaan , waxaana lagu ansixiyay golihii golahan ka horeeyay , waxaanay taasi muujinaysaa sida madaxweynuhu umoogan yahay xeerarka dalka waana sababta uu xeerarka ugu tumanayo "

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu waxgaradka Somaliland ugu baaqay in la iskugu yimaado shir lagu badbaadinayo Somaliland, taas oo uu sheegay inuu madaxweynuhu halis galinayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.