4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Weerar qof uu ku dhintay oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Galguduud

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Wararka imanaya deegaanka lagu magacaabo Balihowd ayaa sheegaya in rag hubeysan weerar ku qaadeen dhalinyaro ku sugnaa hal goob iyaga oo rasaas ku furay, waxaana la sheegay in rasaastaaa uu ku dhintay qof ka tirsanaa dadkii goobta ku sugnaa.

Maleeshiyaadkii Rasaaseeyey dadka Shacabka ah ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyada oo dilkaasi wararku ay sheegayaan in uu la xiriirro aanooyin qabiil.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Galguduud,waxaana wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka ay sheegayaan in ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay weerarkaas.

Gobollada dhexe waxaa ku badan weerarrada noocan ah oo intooda badan salka ku haya colaada beelaha dhaxdooda ah gaar ahaan deegaannada Miyiga oo ay ka dhacaan dilalka ugu badan eek u saleysan Aanada Qabiil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]