4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
Faah faahin ku saabsan wiil dhalinyaro ah oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Jimco, May, 31, 2019 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil koox hubeysan duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho ay ugu geysteen Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdalla Maaxi.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen marxuumka xili uu ka soo baxay dukashadii Salaadii Jimcaha, waxaana markiiba goobta isaga cararay kooxdii dilka geysatay.

Marxuumka la dilay ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada afgooye, balse Muqdisho u yimid waxbarasho,waxana weli la ogeyn dadkii ka dambeeyay dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa markiiba la sheegay in ay tageen goobta uu dilka ka dhacay laakiin uma suurtagalin in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka danbeeyay dilka marxuumka.

Dhawaan ayeey aheyd markii lagu dhex diley masjid ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah nabadoonada dalka.

Magaalada Muqdisho marka aad joogto ma’aha wax ku cusub dilalka sidan oo kale u dhaca, balse dilalka qaar ayaa u muuqda kuwo dadka argagax galinayo, madaama xitaa kooxa weerarrada noocan ah geysta dadka ku dhax toogtaan gudaha masaajida lagu cibaadeysto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]