Soomaali laga qaaday Yemen oo la geeyey Berbera
Jimco, May, 31, 2019 (HOL) - Qaramada Midoobay
ayaa sheegtay in ku dhawaad 4,300 oo Somali qaxooti ku ahaa dalka Yemen dib ugu
celisay Somali tan iyo 2017-kii.
Barnaamij ay fududeeysay hey’adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, oo kaashaneysa hey’adaha arrimaha bani
aadnimada ka shaqeeya, masuuliyiinta Yemen iyo dowladda Soomaaliya oo dib loogu
celinayay qaxootiga ku go’doonsanaa dalka Yemen ayaa dib loogu celiyay qaxooti
gaaraya 4300 oo Somali ah tan iyo sanadkii 2017kii.
Waxaa ugu dambeeyay dadkaasi la celiyay sida ay
sheegtay UNHCR 125 qof oo isugu jiray dumar, rag iyo caruur oo dooni ay ka
qaaday Dekedda Cadan ee dalka Yemen galabtii Arbacadii la soo dhaafay.
Doontaas ayaa gaartay dekedda Berbera khamiistii
shalay, maalmo ka hor maalinta ciidda.
Dadkaasi laabtay ayaa isugu jiray sida ay
sheegtay Qaramada Midoobay Somali ku dhalatay dalka Yemen iyo kuwa waalidkooda
ay qaxootinimo halkaasi ku geeyeen, iyagoo raja ka qaba inay kaga nabad galaan
colaaddii iyo amni daradii ay Soomaaliya uga carareen.
Yemen oo hadda lagu tilmaamo meesha mushkiladda
bani aadnimo ee ugu baaxadda weyn ay ka jirto Dunida oo dhan ayaa dadku ay
wajahayeen xaalad halis ku ah noloshooda, taasoo ka sii dartay nolosha dadkii
Qaxootiga iyo megangalyo doonka ku ahaa.
Qaxootiga Soomaalida ayaa ka ah 90 boqolkiiba
qaxootiga iyo dadka megangalyo doonka ah ee ku nool dalka Yemen oo haatan lagu
qiyaaso ilaa iyo 250 kun oo qof.
Dhaqdhaqaaqa qaxootiga ee Somalia iyo Yemen ayaa
soo bilowday sanadkii 1980tamaadkii. Waxeyna sii socdeen markii ay dowladdii
dhexe burburay ee dagaalka sokeeye la galay.
Iyadoo dad badan ay ka cararayeen rabshadaha guud
iyo cabsi shaqsiyadeed ayaa kuwo kale ay ka baxsanayeen abaaro iyo gaajo soo
noqnoqday oo dhaxalsiiyay fursado la’aan dhinaca nolosha ah.
Colaadda ka jirta Yemen awgeed qaxooti badan oo
Yemen ku nool ayaa xiriiro la sameeynayay UNHCR si ey ugu fududeyso in dalkooda
dib loogu celiyo.
Ilaa iyo 33 jeer ayaa lagu qaaday qaxooti
Soomaali ah safaro ay qabanqaabisay UNHCR tan iyo 2017kii.
Waxaa kaloo dadkaasi la celintooda gacan ka
geysatay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM.
VOA