4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
UNHCR oo diyaarad ku geysay Roma 150 ruux oo magangalyo doon laga qaaday Liibiya

Jimco, May. 31, 2019 (HOL) -  Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda u ah dalka Liibiya ka qaadday 150 ruux oo isugu jira qaxooti iyo magangalyo doon ka soo kala jeeda Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan, kuwaas oo ay diyaaradi geysay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Dadkaas dib u dajinta loo sameeyay waxaa ka mid ah 65 carruur ah oo 13 ka mid ah ay da’doodu ka yartahay hal sanno, waxayna badan kood u baahan yihiin baxnaanno caafimaad waxaana haysa nafaqa darro.

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah.

Dadka magangalyo doonka ah oo doonaya inay gaaraan Yurub ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato. Xaaladdii sidaa ahaydna waxaa uga sii dartay dagaalka ka socda magaalada Tripoli.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]