Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
Ra’iisul wasaare Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare
Jimco, May. 31, 2019 (HOL) - Ra’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo maanta la soo gabagabeeyay.
"Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u oggaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiirri-galiyo in ay sii waddaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.
Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen 31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27 bishan May.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]