4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
Booliska oo howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Jimco, May. 31, 2019 (HOL) - Ciidammada booliska Soomaaliya ayaa howlgallo dheeraad ah ka billaabay xaafaddo ka tirsan caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgalladii u dambeeyay ayaa ciidammadu ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee gobolkan Banaadir,iyadoo inta uu howlgalka socday la baarayay gaadiidka iyo dadka.

Booliska, waxaa laga soo xigtay howlgalka in lagu soo qabtay dad u badan dhallinyaro, waxaana baaritaan lagu sameeyay lagu fasaxay inta badan dhallinyaradii la qabtay.

"Booliska feejignaan dheeraad ah ayay ku jiraan, waxaana dooneyna caasimadda oo xasilloon , howlgalkana wuu soconaya." ayuu yiri sarkaal boolis ah oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo gaaro Muqdisho oo nabdoon.

Inta lagu gudajiray bisha barakaysan ee Ramadaan ciidammada amniga gaar ahaanna booliska ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan xaafadaha Muqdisho, waxaana isgoysyada iyo waddooyinka muhiimka ah la dhigay ciidammo boolis ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]