4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra'iisul wasaaraha Qatar iyo madaxa golaha milatariga Suudaan


Jimco, May. 31, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa halkaa kullamo ku qaadanaya.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn ka qeybgalay shirkii degdeg ah ee ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta oo ay ka qeybgaleen 22 waddan ee bahwadaagta ku ah ururka,iyadoo inta uu shirka socday looga hadlay arrimhii u dambeeyay ee taabanayay dalalka jaamacadda Carabta.

Shirka deg dega ah waxaa horey ugu baaqay boqorka dalka Sacuudiga oo martigeliyay.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kullan dooceedyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirka ka qeybgashay oo ay ugu horreeyaan madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Kullamadan ayaa looga hadlay xoojinta iyo dardar galinta xiriirka ka dhexeeyaan Soomaaliya iyo Suudaan , Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay Sacuudiga uu kullamo kale la qaadanayo hoggaamiyeyaasha halka uga qeybgalaya shirarka ka dhacaya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]