4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2019
Gallan: Ciidanka ka barbar dagaallamaya Soomaaliland ha ku deydaan ciidanka Sanaag

Jimco, May. 31, 2019 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland,Cabdisamad Maxamed Gallan oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay ciidammada ka barbar dagaallamaya Soomaaliland ee Sool iyo Cayn inay ku soo biiraan Puntland, isagoo marka ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweeyay ciidan ka soo goostay Soomaaliland.

Wuxuu sheegay ku dhowaad boqol askari iyo saraakiishii hoggaaminaysay ee Soomaaliland kaga sugneyd gobolka Sanaag inay ku soo biireen Puntland, luguna soo dhaweeyay deegaanka Ballibusle.

"Waa xaqiiqda dhabta ah tan, waxaana ugu baaqa Sool iyo Cayn inay ku deydaan arrintaan taariikhiga ah, waana mid la sugayo taas oo dhacaysa marka xaqiiqda la wada oggaado." ayuu yiri wasiir Gallan.

Wasiirka amniga Cabdisamad Gallan , ayaa sidoo kale dalacsiiyay ciidammada Soomaaliland ee ku sugnaa gobolka Sanaag ee hadda ku soo biiray Puntland saraakiishii hoggaaminaysay, iyadoo labo sarkaal loo dalacsiiyay darajada gaashanle sare , halka sarkaal saddexaad loo dalacsiiyay gaashanle dhexe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay kor jogteyn doonaan sidii ciidankan ay xaquuqdoodda uga heli lahaayeen Puntland.

Arrintan ayaa ku soo aadday xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdeen muddooyinkii dambe gobolka Sanaag, halkaa oo ay gaareen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]