4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 30, 2019
Xoghayaha Qaramada Midoobay oo diblumaasi Marekanka ah u magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)-  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres ayaa u magacaabay James Swan oo ah diblumaasi Mareykan ah ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo beddeli  doona Nicholas Heysom oo dawladda Soomaaliya dalka erisay kaddib markii uu su’aallo ka keenay dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo intii lagu jiray doorashadii maamulka Koonfurgalbeed.

James Swan oo 56 jir ah  ayaa xilalka uu horey usoo qabtay waxaa ka mid ah safiirka dowladda Marekanka ee u qaabilsan Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo iyo Jabuuti, waxaa kalo uu mar soo noqday kaaliye ku-xigeenka xoghayaha guud ee Marekanka u qaabilsan arrimaha Afrika , maamulkii Barak Obama.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsanan doona Soomaaliya , wuxuu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay jaamacadda Georgetown iyo National War College, wuxuuna noqonaya qofkii labaad ee Marekan ah xilkaas qabta, waxaa ka horreeyey Jonathan Howe sannadihii 1993-1994.

Guterres ayay ku qaadatay muddo lix bilood ah inuu ku soo magacaabo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in sababta muddada dheer ay ugu qaadatay ay tahay in uu helo shakhsi ka soo jeedda dalalka awoodda diidmada qayaxan leh iyo in qofkaasi u leeyahay khibrad diblumaasiyadeed arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, xulashada Antonio Guterres  ee diblumaasiga Marekanka James Sworn ayaa loo arkay inay u sahashay maaddama uu wax badan ka yaqaano arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, isagoo mar soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]