4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Tartanka Qur'aanka Kariimka oo Jigjiga ka furmay


Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay Tartanka Qur'aanka Kariimka, kaas oo ay ku tartamayaan Arday laga soo kala xulay Madaarista Xifdiga Qur'aanka ee magaalada Jigjiga.

Tartankan oo ay ardaydu ku tartamayaan 30ka Juz, 20ka Juz iyo 10ka Juz ee Qur'aanka Kariimka ayaa waxaa soo diyaariyay Xafiiska Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ee DDS iyo Maamulka magaalada Jigjiga.

Haddaba Tartankan oo maalinimadii shalay ahayd furmay ayaa marka uu dhammaado waxaa abaalgudyo kala duwan lagudoon siin doonaa ardayda Kaalmaha hore ka gasha Tartankan.

Dadaallada dhanka diinta Islaamka ayaa marba marka xigta kasii xoogaysanaya gudaha degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo aysan jirin waayadii hore hawlaha lagu dardar galinayo barashada diinta Islaamka, balse intii uu is baddalku ka dhacay degaanka iyo dalka intaba ayaa fursadan qaaliga ah ay suurtagal noqotay in kulamo diinta Islaamka lagaga hadlayo iyo Tartamo Qu'aanka Kariimka ah lagu tartamo ay ka dhacaan deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]