4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
JIIF iyo JOOG, Ciqaabihii uu Xasan dheere Maxaabiistii Jeel Ogaden ku Ciqaabi jiray

 

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Jeel Ogaden oo ahaa Xabsi dadka aad loogu dhibaateeyey isla markaana ay ka dhaceen tacadiyo badan ayaa waxaa soo maamuli jiray mas'uuliyiin kala duwanaa oo ay ku yarayd banii aadamtinimadu.

Haddaba Xasan dheere oo horey Jeel Ogaden usoo maamuli jiray ayaa waxaa uu maxaabiis badan mariyay ciqaab midii ugu xumayd.

Noocyada ciqaabta ee Xasan dheere maxaabiista ku samayn jiray waxaa ka mid ahayd JIIF iyo JOOG oo ahayd in qofku la dhex istaajiyo Suuli ama Musqul halkaana uu taagnaado ilaa luguhu bararaan, sidoo kale haweenka iyaguna xidhan ayuu ku jees jeesi jiray isagoo u ciqaabi jiray Haweenka sida uu Ragga u ciqaabo.

Xassan dheere dhibaatadii Jeel Ogaden ka dhacday intii ugu xumayd ee ugu darnayd ayuu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dadkii Jeel Ogaden ku soo xirnaa xilligii uu isagu maamuli jiray.

Xasan dheere ayaa ku jiray liiska dadkii gabood falada ka gaystay degaanka isagoo in badan la raadin jiray balse markii dambe gacanta lagu soo dhigay wuxuuna ku jiraa wakhti xaadirkan mid kamid ah xabsiyada ma

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]