4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo guddoomiyay shir looga hadlayay Isdhex-galka dhaqaale ee geeska Afrika

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.

Shirka oo ay ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda ayaa aad looga doodday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika.

"Maaddama uu jiro fikir ah in waddamada geeska Afrika ay wax isla qabsadaan dhaqaalo ahaan fikirka oo markii hore xaggeena ka yimid oo madaxweynaha ka yimid, ayaa waxay dhashay in hoos loo dadajiyo oo wasiir walba iyo waddanka walba ay soo diyaariyaan soona jeediyaan mashaariic uu waddan walba ka faa'ideysan karo waddamada dariska ahna ay ka faa'iideysan karaan, sida waddooyin waa weyn oo la wadaago." ayuu yiri wasiir Jamaal.

"Intaan la isku imaan bisha dambe bal in gudaheenna aan isku imaano oo ka tashano mashaariicda ama waddooyinkii uga faa'iideysano waddanka dalalka dariska ahna iskula qabsan karnaa, waxban isla meel dhignay wada-hadalkana wuu socda". ayuu ku daray.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan waddamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]