4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 30, 2019
Galmudug oo joojisay xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaadday inay hakisay xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo go'aankan loo sababeeyay inay fara-gelin, kala qeybin iyo isku day burburinta Galmudug oo ay waddaan madaxda dowladda federaalka ah.

"Galmudug waxay isku dayday xoojinta wadashaqeynta dowladda, nasiib darro madaxda dowlada federaalka ayaa ku dhaqaaqeysa fekerro madhaleysnimo oo ah afuubida awooda dastuurku siiyey maamuladda."  ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Galmudug oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso mas’uuliyada wixii qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ee ka dhaca deegaannada Galmudug.

Galmudug ayaa ku biirtay Puntland oo maalmo ka hor ku dhawaaqday inay joojisay wadashaqeynta dowladda federaalka, arrintan waxay kor u qaadeysa culuyska ka heysta  dowlad-gobolleedyada maamulka uu hoggaamiye madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka akhri bayaanka Galmudug;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]