4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
2 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)-  Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee u dhaxaysa Dang-goroyo iyo Garoowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Shilka ayaa ka dhashay kaddib markii gaari xaamul ah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dul maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho.

Labada qof ee shilka ku geeriyootay ayaa la sheegay inay ahaayeen labo nin oo dhallinyaro ah, waxaana magacyadooda lagu sheegay marxuun Maxamed Ciilqabe iyo marxuun Cabdirashiid Yaasiin oo labaduba saarnaa gaariga yar ee burburay, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]