4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Ra'iisul wasaaraha Qatar oo ka qeybgalaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Dowladda Qatar ayaa matalaad ku yeelanaysa shirka ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirka oo maanta dhacaya uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar,Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani - kaasoo noqonaya mas’uulkii ugu heerka sarreeyay oo Qatar ka socda oo hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sanno ka hor xiriirka u jaray.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani , ayaa toddobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah, balse baddelkiisa waxaa shirka ka qeybgalaya ra'iisul wasaare Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]