4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 30, 2019
Maxkamadda Seychelles oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah shan nin oo Soomaali ah

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)-  Maxkamadda sare ee dalka Seychelles ayaa loo gudbiyay dacwada shan ruux oo Soomaali ah oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.

Eedeysanayaasha oo aan la soo bandhigin magacyadooda ayaa waxaa bishii April ee sannadkan dowladda Seychelles u gacan geliyay ciidammada Midowga Yurub ee la-dagaallanka burcad badeeda Soomaalida,iyadoo fadhiga koowaad ee maxkamaddeynta oo qabsoontay Isniintii 29kii bishii April lagu dhageystay garmaqalka dacwadda xilli la faray in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo illaa iyo toddobada bisha June ee sannadkan,sida laga soo xigtay booliska.

Ma kala cadda xilliga lagu ballamay dhageysiga labaad ee maxkamadda in raggan xukun lagu rido doono, balse mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay ee la soo qabtay laguna wareejiyay mas'uuliyiinta Seychelles bishii Nobember sannadkii 2017kii ayaa dib loogu celiyay Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii hore ee 2018kii.

Go'aanka ay ciidammada Midowga Yurub ugu wareejiyeen raggan maamulka Seychelles ayaa qeyb ka ah heshiis is weydaarsi dambiileyaasha ah, iyadoo dalkaas uu sameystay maxkamad dhageysata isla markaana xukuno ku ridda kiisaska la xiriira dambiyada burcad badeednimada sannadkii 2015kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]