4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Kenya oo mamnuucday xamuulka ganacsi ee laga qaado Soomaaliya

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay aysan ogolaan doonin inay waddankeeda soo galaan shixnada , sida boorsooyinka aysan cidna la socon oo ku yimaadda duullimaadka Soomaaliya, sida laga soo xigtay Citizen Tv.

Waxaa intaas dheer in lala wareegi doono dhammaan xamuulka aan lala socon, isla markaana lagu burburinayo sida uu qabo shuruucda duulimaadka hawada,iyadoo xukuumadda Nairobi ay muujisay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto qatar amni.

"Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa." ayaa lagu yiri go’aan ka soo baxay dowladda Kenya.

Go'aankan cusub oo saameyn ku yaalanaya ganacsatada ayaa ku soo beegmaya iyada oo xiisada diblumaasiyadeed ee labada dal ay cirka isku sii shareereyso,laguma caddeyn go'aanka Kenya ka soo baxay haddii warbixitaasi lala wadaagay dowladda Soomaaliya gaar ahaan laanta socdaalka hawada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]