4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Makka maanta uga qeybgalaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

 

Khamiis, May, 30, 20199 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Makka ee dalka Boqortooyada Sacuudiga uu ka furmo  Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) oo ay ka qeyb geli doonan Madax farabadan oo Carbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo xalay gaaray Magalada Barakeysan ee Makka ayaa  ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa iyo Madax kale oo Carbeed.

Shirka oo lagu  marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa  lagaga arrinsanayaa la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo  fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka  cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu dalkaasi Sacuudiga uga  qyeb geli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan  Madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo  xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka  dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku  xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo magaalada  Makka waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa  Madaxda Carbeed ee ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga  Islaamka (IOC).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]