4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2019
Taliska Booliiska oo sheegay in la qabtay dad dilal ka geystay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, May, 30, 2019 (HOL)-Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen degmoyin ka tirsan gobolkan Banaadir,howlgalladaas dad badan lagu qabqabtay.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa  sheegtay in dad ku guda jiray falal Amnidarro laga soo qabtay  degmooyinka,Warta-Nabada, Wadajir, Yaaqshiid,Hodan iyo degmooyin kale oo  ka tirsan gobolkan Banadir.

Zakiya ayaa sheegtay in maalintii Isniinta ee todobaadkaan howlgallao  laga fuliyey degmooyinka,Wadajir iyo Hodan lagu soo qabtay 5 ruux oo  looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dil ka dhacay degmada Wadajir ee  Magalada Muqdisho.

Sidoo kale Maalintii Axada aheyd in Ciidamada Booliska ay ka qabteen  degmada Warta-nabada saddex ruux oo watay Mooto Bajaaj, islamarkaana  baaris kadib la ogaaday in ay yihiin Burcad,sidaasina Xabsiga lagu  dhigay.

Taliye Zakiya ayaa ugu dambeyn sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir lagu soo qabtay Kooxo Burcad u badan,kuwaas oo xilliyada qaar dhac u geysan jiray dadka Shacabka.

Marka laga soo tago hadalka Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa waxaa jirtay in todobaadkaan Gudihiisa Magalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay in ka badan 10 ruux,balse aan weli dad loo qaban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]