4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Chelsea oo dhibyaraan kaga guuleystay kooxda Arsenal koobka UEFA Europa

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)-  Kooxaha kubadda cagta ee reer England Chelsea iyo Arsenal ayaa caawa ku tartamay kulanka kama dambeysta ee tartanka UEFA Europa League,iyadoo natiijada kulanka ka soo baxday ay ahayd mid aan horey cidna usoo qiyaasi karin.

Chelsea ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Europa League kaddib markii ay 4-1 ku garaaceen caawa kulankii final-ka ahaa naadigga Arsenal.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Chelsea iyo Arsenal ku kala nasteen barbaro 0-0 ah. Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu Olivier Giroud ka dhigay 1-0 daqiiqadii 49-aad, waxaana ka caawiyay Emerson.

Daqiiqadii 60-aad Pedro Rodriguez ayaa niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Arsenal wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Eden Hazard,balse waxaad quus gooyay 65 daqiiqo Eden Hazard kaddib markii uu dhaliyay gool rigoore ahaa, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Laakiin Alex Iwobi oo ciyaarta qeybtii labaad badal ku soo galay ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta ka dhigay 3-1, iyadoo taageerayaasha Gunners ay yeesheen rajo ku aaddan inay soo laaban karaan. Laakiin 72 daqiiqo Eden Hazard oo caawin qurux badan ka helay Olivier Giroud ayaa waxaa uu god ku ridey rajadii taageerayaasha kooxda Arsenal , markii uu ciyaarta ka dhigay 4-1.

Waa markii ugu horraysay ee kulan kama dambeysta ee finalka UEFA Cupka ah ay kooxi afar gool la kulantay tan iyo sannadkii 2006dii markaas oo ay Middlesbrough guuldaro 4-0 ah kala kulantay kooxda Sevilla.

Ugu danbayn, ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-1 ay Chelsea ku gumaaday kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Arsenal - waxayna Blues ku guulaysatay Europa League iyada oo Arsenal seegtay fursadii ugu danbaysay ee ay Champions League ugu soo bixi kartay.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]