4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2019
Taliska ciidanka nabadgelyadda waddooyinka Muqdisho oo soo saaray awaamiir cusub

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)-  Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka gobolka Banaadir,Jen. Maxamed Yuusuf Madaale ayaa maanta soo bandhigay isbeddel cusub oo lagu sameeyay howlgalka ciidanka ilaalada nabadgelyadda waddooyinka caasimadda Muqdisho, isagoo marka soo bandhigay awaamiir cusub oo uu talisku soo saaray.

Maalmaha ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan iyo toddobaadka lagu guda-jiro dabaaldegga Ciidda ayuu sheegay howlgallo dheeraad ah inay ciidammadu sameyn doonaan, wuxuuna marka caddeeyay in laga mamnuucay goobaha ganacsiga iyo hareeraha laamiyada in la dhigo gaadiidka.

"Gaarigii aan ku aragno isagoo yaalla waddada dhinaceedda iyo goobaha ganacsiga hortoodda, ciidammadu waxay amar ku qabaan inay goobta uu yaalla ka qaaddaan..Ganacsatada iyagana waxaan u sheegeena inay shaqaalahoodda bannaanka usoo saaran oo ay ka hortagaan in gaadiid la hordhigo." ayuu yiri Jen Madaale.

Jeneraalka ayaa sidoo kale ku wargeliyay gaadiidka dadweynaha gaar ahaanna mootada saddexda lug leh ee bajaajta inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo aysan istaagin goobaha ay dadku ku badanyihiin iyo ganacsiga, haddii ay taas dhacdana uusan wadaha ka soo degin mootada.

"Ganacsatada waxaan kalo kula dardarmaya inay ka taxaddaraan samxadda badan, waalidiinta iyo bulshadana waxay u sheegaya inaysan iyagu abuurin samxadda , haddii waaliidka uu awoodi karo inuu carruurta ka soo tago oo uu isagu u adeeggo arrinta iyana way wanagsanaan lahayd." ayuu ku daray Jen Madaale.

Amarkan ayaa soo baxay xilli caasimadda Muqdisho laga dareemayo diyaar garowga ciidda,waxaana samxad badan lagu arkaya goobaha ganacsi ee laga adeegto,iyadoo toddobaadka dambe muslimiinta ay isku diyaarinayaan dabaaldegga ciidda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]