4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jeddah xilli uu Makka ka qeybgalayo Shir Madaxeedka IOC


Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale isla magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]