4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Safiirka Marekanka oo booqday Kismaayo iyo madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah ay yeeshay

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka  Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid magaalada Kismaayo.

Labada masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirrada lagu saaray arrimaha amniga iyadoo safiirku madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Booqashada uu safiirka Marekanka ku tagay magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay deegaannada dowlad-gobolleedyada,iyada oo uu ku soo aaddayo xilli isfahan-waa adag uu dhexyaallo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]