4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Ciidanka Badda Soomaaliya oo dib u habeyn tababbar iyo qalabeyn ah lagu sameeyay

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya, Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidammada Badda.

Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

“Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Gabagabadii, Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalabeynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]