4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya


Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta madaxtooyadda Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wafdiga oo uu hoggaaminayey Xoghaya guud ee hay'adda Socdaalka dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Jen. Mabratu iyo Saraakiil kale.

Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana  ay kulamo wada yeelan doonaan wafuuddan   inta ay Puntland ku sugan yihiin mas'uuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale la qaadan doonaan bulshada dowlad deegaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan.

"Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan ay booqan doonaan  inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo laga soo saaray kulanka.

Dowlad deegaanka iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashiga ganacsi,iyadoo uu socdo dadaallo lagu doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]