4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Itoobiya: Soomaaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsanahay in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa ka hadashay liiska dalalka ay wakiilada u joogaan oo ay ku jiraan Soomaaliland iyo Puntland , arrintaa oo lagu tilmaamay inay xukuumadda Addis Ababa kala qeybinayso Soomaaliya.

Nebiyat Getachew oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, wuxuu u sheegay BBC-da Puntland iyo Soomaaliland inay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya, isagoo inta ku daray xarumo diblumaasiaydeed ku leeyihiin Garoowe iyo Hargeysa, halka uu sheegay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya inay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.

"Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqda waana eegeynaa", ayuu yiri Nebiyat Getachew , oo ka hadlay liiska ka soo muuqday bogga wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo dhowaan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya khariidadda Afrika ee lagu baahiyay boggeeda laga saaray Soomaaliya oo hal dal inay waddayihiin lagu soo muujiyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya dhinaceeda ilaa hadda kama aysan hadlin khaladka labaad ee ka dhacay Itoobiya oo dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay dal ahaan u diiwaan galisay, Soomaaliland iyo Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]