4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Koox taageersan Trump oo dhisme ka billaabay xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Koox is abaabulay oo taageersan qorshaha madaxweynaha Marekanka Donald Trump, uu ku doonayo dhismaha darbiga xadka Mexico, ayaa si iskood ah u billaabeen dhismaha darbigii u horreeyay ee shaqsiyaad ay dhisayaan ee laga hirgaliyo xadka u dhaxeeya  labada dal.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha ay billaabeen kooxdan ayaa la sheegay in laga soo aruuriyay shacabka,iyadoo lagu arkay sawir uu soo bandhigay nin horey uga tirsanaa milateriga Marekanka oo lagu magacaabo Brian Kolfage , darbiga biraha ka samaysan ee ka socda gobolka New Mexico.

Wuxuu sheegay in ay ku baxday in kabdan 22 milyan oo doolar oo tabarucaad ah, taas oo uu online-ka ka aruuriyay sannadkii hore.

Tabarucaaddaas ayaa la billaabay ka dib markii Aqalka Congress uu diiday in uu meelmariyo dhaqaalihii uu Trump u baahnaa si darbi looga dhiso xadka Maraykanka, arrintaas oo ahayd ballantii u waynayd ee uu qaaday intii uu waday ol’olaha doorashada.

"TAARIIKH AYAAN SAMAYNAY! Waa darbigii u horreeyay ee xad dal ah, kaas oo lagu dhisay lacago ay shacab iska aruuriyeen, ayuu Kolfage ku soo qoray Twitterka.

Kolfage oo horay uga soo mid noqday ciidammadda cirka ayaa labada lugood iyo gacan laga jaray, wadne ruux kalana uu ku jiraa, isaga oo Twitterka adeegsanaya ayuu Axaddii soo bandhigay muuqaallo iyo sawirro badan oo muujinaya dhismaha darbiga.

Darbiga waxaa dhisaysa shirkad aan faa’iido raadis ahayn oo la dhoho WeBuildtheWall Inc, taas oo lagu aasaasay lacago lagu aruuriyay GoFundMe bishii Disembar, arrintaas ayaana hal hays looga dhigay dadka ayaa maalgalin doona dhismaha darbiga.Steve Bannon oo istaraatiijiyadda u qaabilsanaan jiray Aqalka Cad ayaa guddoomiye u ah guddiga latilaya shirkaddaas.Bannon ayaa CNN u sheegay in darbigan cusub uu 33KM ku dari doono darbigii sii jiray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]