4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
QM oo sheegtay ciidanka Myanmar inay dib usoo cusbooneysiiyeen weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Amnesty  International) ayaa warbixin cusub oo ka soo baxday ku sheegtay in ciidamnada Myanmar ay soo cusbooneysiiyeen weerarada lagu xasuuqayo Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine.

Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ciidammada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sannadkii 2017-kii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda  ka dagaallanta Woqooyiga gobolkaasi.

Boqollaal qof ayaa ka barakacay dagaallada u dhexeeya ciidammada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana  dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidammo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wacaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidammada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga bin’aadanimada ah.

Hay'addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro  cunaqabateyn buuxda.

Khilaafka ka jira Myanmar ayaa kordhay bishii Jannaayo ee la soo dhaafay,ka dib markii 13-sarkaal ay dileen Jabhadda Arakan-ka ee la dagaallanta ciidammada dalkaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]