4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Itoobiya markan ma waxay kala qeybinaysa Soomaaliya?

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa mar kale xog ay ku baahisay boggeedda wuxuu caro ku abuuray bulshada Soomaaliyeed,iyada xilli dhow isla bogga lagu baahiyay sawirka qaaradda oo lagu dhex arkay Itoobiya iyo Soomaaliya oo mid ah.

Dhacdadii hore ee labada waddanka midka looga dhigay waxay ahayd mid hadal heynteedda ay sarreysay, taaso dhalisay dowladda Soomaaliya inay markii dambe sheegtay labada dal arrinta inay ka wada-hadleen oo ay Itoobiya raalligalin ka bixisay, kuna sheegtay qalad dhacay.

Balse hadda mar kale ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya dood ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed,iyadoo warbixin la xiriirtay dalalka ay Itoobiya wakiilada ka joogaan lagu soo daray Soomaaliland iyo Puntland.

"Itoobiya Wasaaradeeda Arrimaha dibadda mar kale ayay u geftay Soomaaliya, dalkeena ayay saddex u qeybisay, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran, waxaa ku jira Puntland iyo Somaliland, Soomaaliya Muqdisho ayay matashaa." ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Yuusuf Garaad Cumar oo arrintan ka hadlay.

Wuxuu inta ku daray inaysan dowladda Soomaaliya ka hadlin markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya, "Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda." ayuu ku daray.

Ilaa hadda ma jirto hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo lagu sharraxay sababta Soomaaliland iyo Puntland loogu soo daray dalalka ay wakiilada ka joogaan, si la mid ah dowladda Soomaaliya wali arrintan kama aysan hadlin.

Hoos ka eeg liiska Itoobiya iyo dalalka ay wakiilada u joogaan;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]