4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2019
Qarax khasaare sababay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

 

Arbaco, May, 29, 2019 (HOL)-Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay dulleedka degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka tageen saldhig ay ku  leeyihiin deegaanka Haan-sheekh, waxaana xilli uu ku wajahnaa deegaanka  Ceelka Galow lala beegsaday qarax miino.

Sidoo kale qaraxan ayaa sababay dhaawac qaar ka mid ah ciidamadii lala eegtay qaraxa, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo miino oo lala beegsanayay gaadiidka ay la socdaan ciidanka xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]