4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Dalka Itoobiya oo degaanka Tigreegga kaliya laga xusay 20ka Ginmbood

 

Talaado, May 28, 2019 (HOL)-Dalka Itoobiya ayaa maanta qaab ka duwan qaababkii hore looga xusay 20ka Ginmood oo ah maalintii Tigreeggu dalka kala wareegay xukunkii dhargiga ee uu hoggaaminayay Mangistu.

Haddaba Itoobiya oo horey si wayn xuskan dalka oo dhan looga xusi jiray ayaa meelo badan laga xusin marka laga reebo degaanka Tigreegga oo isagu si wayn u xusay maalintan, degaamada kale ayaa iyagu haba yaraatee laga xusin maalintan marka lagareebo Shaqaalaha dawladda oo maanta fasax ahaa iyagoo goobaha ganacsiguna ay firnaayeen.

Si kastaba ha ahaatee is baddalka dhanka siyaasadda ee dalka Itoobiya ayaa maanta si wayn dalka looga dareemayay. iyadoo dadkii xoriyad lasiiyay, aan lagu qasbaynin inay xusaan maalin aysan waxba ka galin.
 
 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]