4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Tarsan: Siyaasadda arrimaha dibadda waxa hoggaamiya wasaaradda arrimaha dibadda ee wasaarad kale laga wareysanmayo

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) –  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxmuud Axmed Tarsan ayaa sheegay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka kaliya inay hoggaamin karto wasaaradda arrimaha dibadda.

Wuxuu hadalkan sheegay kaddib markii wasaaradda caafimaadka ay ka dalbatay hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in aysan wax shirar ah oo Soomaaliya khuseeya aysan ku qaban Kenya, halka ay soo jeediyeen in dalka gudihiisa lagu qabto ama waddamo ku habboon socdaalka oo si fudud lagu tagi karo.

''Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.'' ayuu yiri Tarsan oo la hadlay BBC-da.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi siigalayay tan iyo markii ay Kenya joojisay duulimaadyadii tooska ahaa, dibna usoo celisay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo dalka ku galka loo diidday, balse dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay inay ilaalinayso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, oo ay sii wadi doonto soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]