4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Xil Wareejin ka dhacday xarunta dowladda hoose ee degmada Beledweyne

 

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) – Munaasabada xil Wareejinta ah oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa si rasmi ah xilka Duqa degmada Beledweyne ula wareegtay Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale.

Waxaa xilka ku wareejiyay Khadar Xassan Afrax oo bilihii ugu danbeeyayba xilal kala duwan horay uga soo qabtay maamulka degmada, isaga oo bilihii ugu danbeeyayna ahaa Duqa degmada Beledweyne.

Xil wareejinta kaddib ayaa Duqa cusub ee degmada lagu soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee xafiisyada xarunta dowladda hoose, iyadoo la wareegtay guud ahaan wixii Dukumiintiyo ahaa ee lagu shaqeeynayay.

Safiya Xassan Sheekh Cali Jicmaale ayaa horay u soo noqotay guddoomiyaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana magacaabisteedan soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada oo sheegay in ay ka rajeynayaan isbadal la taaban karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]