4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Suudaan: Shaqo joojin 48 saac ah oo u muuqata inay dhaqan-gashay

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) –  Mudaaharaadayaasha dalka Suudaan ayaa ku baaqay shaqo joojin dalka oo dhan ah, taas oo socon doonta 48 saac ee inagu soo aaddan, iyaga doonaya in ay caddaadiska ku sii badiyaan milatariga si ay xukunka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah.

Shaqo ka joojinta ayaa markiiba la dareemay saameynteedda, waxaana dadka u horreyay ee dhibanayaasha u noqday ay ahaayeen dadkii rabay inay ka duulaan Khartuum, kaddib markii la baajiyay duulimaadyadii.

Baraha bulshada ayaa warar lagu baahiyay lagu sheegay in diyaaraduhu aysan ka duulayn isla markaasna aysan soo cago dhiganayn, ka dib markii la sheegay in shaqaalihii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen.Dadka qaar ayaa soo bandhigay sawirrada shaqaalaha oo dibad baxaya iyo qaybo iska bannaan oo garoonka ah.

Mudaaharaadeyaasha ayaa doonaya in xukunka lagu wareejiyo xukuumad rayid ah ka dib markii inqilaab milatari xukunka lagaga tuuray madaxweyne Xasan Cumar Al Bashiir oo ku dhawaad soddon sanno dalka soo maamullayay.

Wadahadalladii labada dhinac ayaa la isku mari waayay ka dib markii lagu heshiin waayay qaabka loo marayo xukuumadda la rabo in la dhiso.

Wajdi Saleh oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay dib u furaan wadahadalladii.Balse wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin wax uu ugu yeeray “luuqadda khayaanada” ee ay qaateen Jeneraallo xilka la wareegay lix toddobaad ka hor.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]